soco
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-cday, -cotay)

1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soco

eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa - 273.15 C ama -459.67 F.

taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas

gaabbee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -beysay)
Aayar socosho.

gaabi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho.

gaabis [m.l]
1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin. gaabin

gaabshow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Gaabshow ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.

taabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Cid raacid. 2. Socod dheereyn ku jirto socosho.

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

daaddah [m.dh]
Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg