suugo
(m.dh)

Iidaan ka kooban, hilib, khudrad iwm oo laysku kariyey oo cuntada lagu darsado (siiba baastada).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suugo

garcadde [m.l]
Bariid ama baasto aan sanuunad ama suugo lahayn oo caano ama iidaan kale lagu daray. ld gaarcadd.

sanuunad [m.dh]
Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.

suugee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Cunto suugo ku darid.

suugeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Cunto wax suugo loo yeelay ahaansho.

suugeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Cunto suugo ku darsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg