waxad
(m.dh)

Hanti aabbe siiyo ilmihiisa midkood.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxad

marawaxad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab bir, caag iwm ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. ld marawaxo, marwaxad, marwaxo.

marawaxadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax babbin. 2. Marwaxad wax ku qaboojin. ld marwaxadi.

marawaxadin [m.f.dh]
eeg marawaxadi. ld marwaxadin.

marwaxad [m.dh]
ld marawaxad.

marwaxad neefeed [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(tegno.) Neef ka timid cadaadis motoor oo loo adeegsado motoor wax wareejiya.

marwaxadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld marawaxadi.

marwaxadin [m.dh]
ld marawaxadin.

suubaan marawaxadeed [m.l]
(jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.

wax [m.l] (-xyaalo/-xyaabo, m.l)
1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg