weydaar
(m.l)

Isdhaaf; gudub. ld weydaarid.

weydaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Neef geel ah jeenigiisa iyo lugtiisa talantaalli u xirid ama isdhaaf u xirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weydaar

tacaddi [m.l]
Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.

abyin [m.l] (-nno, m.dh)
(xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).

aqoon-isweydaarsi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Dood dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado..

dabammari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax, wax kale weydaarin. 2. U d.: wax, wax kale dambeysiin.

daddaabbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool.

dhaaf [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. (f.g) Meel ama wax weydaarasho ama gudbid. 2. (f.g) Wax faraha ka qaadid; deyn. 3. (f.mg) Ku dh.: wax sida ay yihiin u deyn. 4. (f.mg) Ku dh.: cid wax ammaano ahaan ugu dhiibasho.

dhafandhaaf [m.l]
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.

isdhaafdhaaf [m.l]
Is waydaarka ay labo waxyaabood ama ka badan ay jahooyin kala duwan isu weydaartaan dhawr jeer.

isdhaafdhaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Laba waxyaabood ama ka badan jahooyin kala duwan dhawr jeer isu weydaarasho.

isuqaybin [m.dh]
(xis.) Astaanta :. Xisaabfalka labaale ee lagu helo qaybta laba xaddi (tiro). Isuqaybinta waa xisaabfalka weydaarka u ah iskudhufashada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg