xigsii
(Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2) (-iiyay, -iisay)Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. ld xiji.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xigsii ↴
duumadhawr [m.dh]
1. Gabar yar, oo aan weli qaan gaarin oo xigsiisan loo siiyay nin walaasheed ka dhimatay. 2. Koox caafimaad ah oo la dagaallanta cudurka kaneecada.
isle'eg-xigsiineed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(xis.) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
xigsiin [m.f.dh]
eeg xigsii.
xigsiisan [m.l]
Aroosidda nin ooridii ka dhima-tay walaasheed arooso. ld xiskiisan.
xiskiisan [m.l]
ld xigsiisan.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg