xirrib
(m.dh)1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa. 2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xirrib ↴
diblomaasiyad [m.dh]
(siyaa.) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.
indhakuul [m.dh]
Budo madow, dhowr jaad u kala baxda oo haweenku indhaha xirribahooda ku quruxsadaan.
jallado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-atay, -adatay)
Indho xirribtooda kor u laabid. ld jelledo, jillado.
shataarad [m.dh]
1. Naag arrimaheeda ganacsi fulin og oo xirrib (xeelad) iyo baraarugsanaan daran ku meel-marsata. 2. Xirribta iyo baraarugsanaanta arrimaha ganacsi iwm lagumeel-mariyo. ld shitaa-rad.
xirribaggub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax beentooda caddeyn.
xirribaggubid [m.f.dh]
eeg xirribaggub.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg