xumaan
(m.f.dh)

eeg xun. ld xumaansho, xumi.

xumaan
(m.dh)

1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xumaan

aabyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.

qaabdarro [m.dh]
Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri. qaabdarri, qaabxun

eedqaad [m.l]
1. E. ah: xumaan la falay eeddeeda qaadid. 2. ld eedqaadid. eedqaadid

ibliis [m.l] (-syo, m.dh)
Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.

jaaso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.

qaabxumaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabxun. ld qaabxumaansho.

qaabxumaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qaabxumaan.

raalliggelin [m.dh]
Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan.

uursami [m.dh]
Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.

uurxaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg