daliigid eeg daalig³. ld daliig¹.
daliigtin Summad jiitin ah oo ariga daanka looga dhigo.
daliil1 D. ah: qof dullinimo ka muuqato. daliil2 Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo. daliili Wax xaqiiqadooda sheegid.
daliilin eeg daliili.
daliilnimo Daliil ahaansho (qof).
daliiq 1. Caw, maqaar iwm kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iwm si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iwm galka ka saarid.
daliiqan Wax la daliiqay ahaansho.
daliiqid eeg daliiq.
daliiqnaan eeg daliiqan. ld daliiqnaansho.
daliiqnaansho ld daliiqnaan.
daliishad ld daliishasho.
daliishasho eeg daliisho. ld daliishad.
daliisho Wax daliil ka dhigasho.
daljecli Waddaninnimo.
daljir Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka.
dalkucelin Si khasab ah oo qof dal kale jooga dalkiisa lagu geeyo.
dalkuggal Ruqso qof hal mar ku geli karo dal shisheeya; fiiso.
dalkujoog Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
dalkummar Baasaboor.
dallaal 1. D. ah: meel barwaaqo ama biyo leh oo aan lagu badnayn. 2. D. ah: aan ciriiri ahayn; waxa ku jira si wanaagsan ugu filan; ballaaran.
dallaal1 1. Qof shaqadiisu tahay in uu dadka wax u kala iibiyo. 2. Hantida qof dadka wax u kala iibiya qarash ahaan u qaato. ld dillaal¹, dullaal¹. dallaal2 Dad wax u kala iibin. dallaalid eeg dallaal². ld dillaalid, dullaalid.
dallaalin ld dallaallimo.
dallaallimayn eeg dallaallimee.
dallaallimee Meel dallaallimo ka dhigid.
dallaallimo Meel kor ka dadan oo dhinacyaha ka furan oo wax lagu gato ama la harsado. ld dallaalin.
dallaalnimo Dallaal ahaansho.
page : 37 of 218
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>