Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
toobkicid eeg toobkac². ld toobkac¹.
toobnaan eeg tooban. ld toobnaansho.
toobnaansho ld toobnaan.
toobte ld doobi.
tooci (1) Bannaan furan oo aan lahayn gabbaad.
tooci (2) Wax xoog u ereyid.
toocin eeg tooci².
tood (1) Neef irmaan oo aan la maali karin; toojo. ld toojo.
tood (2) ld tooda².
tooda (1) (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Tooda u yeel!”.
tooda (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Nimankaas beertooda ayaa miro badan leh”. ld tood.
toodibo Heegan. ld toodimo.
toodimo ld toodibo.
toodoobid eeg toodow.
toodow Tood noqosho (xoolo).
toodraac (1) ld toodraacid.
toodraac (2) Neef tood ah lisid.
toodraacid eeg toodraac². ld toodraac¹.
toog (1) 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
toog (2) 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
toogad ld toogasho.
toogasho eeg toogo². ld toogad.
toogaysasho eeg toogayso. ld toogaysi.
toogaysi ld toogaysasho.
toogayso Kaltan gelid.
tooggo ld toogo¹.
tooghay U t.: wax dhicitaankooda u diyaargaroobid.
tooghayn eeg tooghay.
toogo (1) Muraad, qasad, hadaf, tooggo. 2. Kol; mar. ld tooggo.
toogo (2) 1. Nafley rasaas ku ridid. 2. Wax liishaamid.
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>

 

Exit mobile version