Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
faaf (2) Biyo, cudur, war iwm meel ku baahid. ld faah², faax².
faafi War, cudur iwm meel si ballaaran ugu baahin. ld faahi, faaxi (2).
faafid eeg faaf². ld faaf¹ (2), faah¹, faahid, faax¹ (2), faaxid.
faafin (1) eeg faafi. ld faafis, faahin, faahis, faaxin, faaxis.
faafin (2) Faafin rasmi ah: wareegto rasmi ah
faafis ld faafin¹.
faafreeb Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.
faafto Ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.
faag 1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iwm laga qorayo qaabayn.
faagad ld faagasho.
faagasho eeg faago. ld faagad.
faagid eeg faag.
faago 1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka fogaasho.
faah (1) ld faaf¹ (2), faafid.
faah (2) ld faaf².
faahfaah F. ah: sii caddays (hadal iwm); waxkasheeg; faallo.
faahfaahi Si buuxda arrin u sharaxid.
faahfaahin eeg faahfaahi. ld faahfaahis.
faahfaahis ld faahfaahin.
faahfaahsan Wax la faahfaahiyey ahaansho.
faahfaahsanaan eeg faahfaahsan. ld faahfaahsanaansho.
faahfaahsanaansho ld faahfaahsanaan.
faahi Cid magaceed, war iwm baahin. ld faafi.
faahid ld faafid.
faahin (1) Qof fahmo badan.
faahin (2) ld faafin¹.
faahis ld faafin¹.
faajafaajo Qof ladan isaga oo aan dan lahayn tago meelo kala duwan, ama waxaan muhim ahayn lacag ku kharajgarayo.
faajafajoo Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.
faajafajood eeg faajafaajoo.
<< < 500 501 502 503 504 505 506 507 508 509 510 > >>

 

Exit mobile version