Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
shaxaad1  1. Si wax loo weyddiisto qof la yaqaan laguna kalsoonyahay. 2. ld shaxaa-did. shaxaad2  Qof la yaqaan si kalsooni leh wax u weyddiisasho. shaxaadid  eeg shaxaad². ld shaxaad¹ (2).
shaxam  Sh. ah: qof aad u buuran.
shaxan  Qaab jowmitiri.
shaxan joomitiri  (xis.) Qaab ka samaysma isku xirka baro, xarriiqyo, xoodad ama dulo. Goobooyin, labajibbaaranayaal, saddex-xagallo waa shaxanno sallax ah. Kubbad, saddex jibbaarane, ahraam waa shaxanno adke ah.
shaxaroor  Baruur subaggii laga shiilay waxa ka soo hara; shariir.
shaxartaan  Qof xarrago badan.
shaxeex1  1. Erey ama fal qof wax uu sugaayey looga hor istaago. 2. Warbixin been ah. shaxeex2  1. Cid ereyo ama falal wax loogu diidayo ujeedin.2. Warbixin been ah sheegid. shaxeexid  eeg shaxeex².
shaxgaab  Qof aan shaxda si fiican u aqoon.
shaxgaabnimo  Qof aan si fiican u garanayn shaxda ahaansho.
shaxid  eeg shax². ld shixid.
shaxiix  Bakhayl; masuug.
shaxshax  Sh. ah: wax nadaafad iyo muuqaal wanaagsan.
shaxyaqaan  Qof ciyaarta shaxda aad u yaqaan.
shaxyaqaannimo  Wax shax yaqaan ahaansho.
shay  (xis.) Shaygu waa wax leh qaab go'an oo aad taaban kartid, ama arki kartid oo aan nooleyn.
shayaaddiin  eeg shayddaan.
shaybaar  Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
shayddaan  1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo,mdh) Qof xumaha ka taliya.
shayddaannimo  Shayddan ahaansho.
shaydiid  Sh. ah: qof cuqdo qaba oo dadka ka shakiya.
shed1  Labanlaabidda shibbane carabi ah la labanlaabo. shed2  Shibbane carabi ah labanlaabid. shedan  Xaraf carabi ah wax la labanlaabay ahaansho.
shedid  eeg shed².
shednaan  eeg shedan. ld shed-naansho.
shednaansho  ld shednaan.
page : 65 of 118
<< < 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 > >>

 

Exit mobile version