Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: aftir
debecsanow Wax debacsan noqosho. ld dabacsanow, debacsanow.
debin ld dibin.
debingendi Kiish yar oo maro shabaq ah ka samaysan, afka garangar yar ku leh oo gendiga lagu qabto.
debis Nooc libaax badeedka ka mid ah.
debrid ld dabrid¹.
debsaar In yar oo saliid ah oo hal mar bun lagu shiilo.
debweyn ld dabweyn.
ded (1) 1. ld dad 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. ld dedid.
ded (2) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. ld dad².
dedaal (1) ld dadaal¹.
dedaal (2) ld dadaal².
dedaalid ld dadaalid.
dedan (1) Waqti wixii la sheegaa aanay shaac bixin oo qarsoomaan. ld dadan¹.
dedan (2) Wax la deday noqosho. ld dadan².
dedan (3) Wax la deday ahaansho. ld dadan³.
deddan ld daddan.
deddanaan ld daddanaan.
deddanaansho ld daddanan.
deddatir (1) 1. Dhaxantir. 2. Gargaar deg-deg ah oo loo fidiyo qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey; dhibiibtir. ld deddatirid.
deddatir (2) 1. Nafley dhaxamaysan diirrimaad siin. 2. Qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey si degdeg ah u gargaarid.
deddatirid eeg deddatir². ld deddatir¹.
deddeg (1) ld degdeg¹.
deddeg (2) ld degdeg².
deddegid ld degdegid.
deddegsan ld degdegsan.
deddegsanaan ld degdegsanaan.
deddegsanaansho ld degdegsanaan.
deddegsiinyo ld degdeg¹.
deddeji ld degdeji.
deddejin ld dedgejin.
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>

 

Exit mobile version