asluubeysnaan eeg asluubeysan. ld asluubeysnaansho.
asluubeysnaansho ld asluubeysnaan.
asmayn eeg asmee.
asmaysan Wax asma lagu gamay ahaansho.
asmaysnaan eeg asmaysan. ld asmaysnaansho.
asmaysnaansho ld asmaysnaan.
asmee Asmo ku akhriyid; ku ganid.
asmo Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
asool1 1. ld oslid. Baahida neef ida ah oo dheddig u qabo kudmo. 2. A. ah: neef dheddig oo ida ah oo kudmo u baahan. asool2 Neef dheddig oo ida ah kudmo u baahasho. ld osol². asoolid ld oslid.
asoollan Wan u taga u baahan (lax).
asoollanaan eeg asoollan. ld asoollanansho.
asoollanaansho ld asoollanaan.
asoolli Wan, lax kudid.
asoolliyid eeg asoolli.
asqayn eeg asqee. ld aqsayn.
asqaysan 1. Nafley jahawareersan ahaansho. 2. Qof aqso hayso ahaansho. ld aqsaysan.
asqaysii 1. Cid wax aqsaysan ka dhigid. 2. Cid hadal ku wareerin. ld aqsaysii.
asqaysiin eeg asqaysii. ld aqsaysiin.
asqaysnaan eeg asqaysan. ld aqsaysnaan, aqsaysnaansho, asqaysnaansho.
asqaysnaansho ld asqaysnaan.
asqee 1. Cid aqso badid. 2. Qof jahawareeri. ld aqsee.
asqo 1. Dayow; dhama'. 2. Biyawaa; harraad. ld aqso.
asqoo 1. Wax harraad dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku dhaca ahaansho. ld aqsoo, aqsow, asqow.
asqoobid ld asqood.
asqood eeg asqoo. ld aqsoobid, aqsood, asqoobid.
asqow ld asqoo.
asraar 1. Cilmi kutubta sixirka laga helo oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo. 2. eeg sir.
asraarrey Naag cilmiga asraarta taqaan.
page : 67 of 75
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>