shidan1 Dab, nal, raadiye iwm wax daarmay noqosho. shidan2 Nal, dab, raadiye iwm wax la shiday ahaansho. shidasho eeg shido.
shiddee Cid shiddo ku abuurid.
shiddeyn eeg shiddee.
shiddo Dhibaato; rafaad. ld shiidaad.
shidid eeg shid.
shidmid eeg shidan¹.
shidnaan eeg shidan². ld shid-naansho.
shidnaansho ld shidnaan.
shidni Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. ld shadni.
shido 1. Nal, raadiye iwm daarasho. 2. Dab iwm hursasho.
shifaysad ld shifaysasho.
shifaysasho eeg shifayso. ld shifaysad, shifaysi.
shifaysi ld shifaysasho.
shifayso Wax kalsooni iyo iimaan ku qabid.
shifo 1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan. 2. (e.d) Erey duco ah oo cuntada ama cabidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!.
shig Iin darteed hadal si dhib leh oo googo'an ugu dhawaaqid.
shigid eeg shig.
shiica (dii.) Dugsi ka mid ah dugsiyada fiqiga islaamka.
shiici (dii.) Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
shiid1 1. Dhar dun adag, midabyo badan oo dumarku qaato. 2. (-dad, ml.) Laba dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu ridqo. 3. Dhagax. shiid2 1. (f.g) Cid dhagax ku tuurid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.g) Laba dhagax oo is dulsaaran badar ku daqiijin. 4. (f.mg) Biyo hoos ugu degid. shiidaad ld shiddo.
shiidaadi Cid dhibaatayn.
shiidaadin eeg shiidaadi.
shiidaado Kulan la isugu yimaad xus, aroos iwm.
shiidan1 Badar iwm wax la shiiday noqosho. shiidan2 Wax la shiiday ahaansho. shiidid eeg shiid².
page : 68 of 118
<< < 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 > >>