baad (1) 1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
baad (2) 1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
baad (3) Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.
baad (4) Hooy ka dhixid (qof ama xoolo).
baadari (dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi.
baaddad ld baatad.
baaddil Wax aan xaq ahayn.
baaddilnimo Baaddil ahaansho.
baaddiye Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.
baaderi ld baadari.
baadi 1. (m.u) Wax lumay sida xoolo, lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada toosan.
baadibixiye Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.
baadibooliye Qof baadida xalaaleysta.
baadicarar Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
baadid (1) eeg baad².
baadid (2) eeg baad².
baadiddoon (1) 1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid.
baadiddoon (2) 1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob².
baadiddoonid baadiddoonid m.f.dh eeg baadiddoon². ld baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹, baad
baadiddoonis ld baadiddoonid.
baadifad Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. ld baadifur.
baadifur ld baadifad.
baadiggef (1) Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid.
baadiggef (2) Baadi la raadiyey waayid.
baadiggefid m.f.dh eeg baadiggef². ld baadiggef¹.
baadiggoob (1) ld baadiddoonid.
baadiggoob (2) ld baadiddoon².
baadiggoobid ld baadiddoonid.
baadiggoobis ld baadiddoonid.
baadinnimo Baadi ahaansho.
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>