shuushuulee Shuu-shuu fidin.
shuushuuleyn eeg shuushuulee. ld shuushuuleys.
shuushuuleys ld shuushuuleyn.
shuushuunle ld shuuqshuuq.
shuux (1) Roob aan tabar lahayn oo dhibco yaryar.
shuux (2) Roob aad u dhibco yaryar oo aan tabar lahayn di'id.
shuuxid eeg shuux².
shux (1) Duxda ka baxda shay dufan leh marka qorraxda la dhigo.
shux (2) Socod xarrago yar ku jirto.
shux (3) Laf iwm oo qorrax la dhigay dufan ka bixid.
shuxid eeg shux³.
shuxlee Si xarrago ku jirto u socosho.
shuxleyn eeg shuxlee.
shuyuuciyaad ld shuuciyad.
si 1. Sah lagu suganyahay ama la yahay. 2. Hab; han-naan. 3. Tilmaan ama tayo wax leeyihiin. ld sida, sidaan, sidaas, sidii, sikasta, siwalba.
sibbaaq (1) Rinji dharka la geliyo.
sibbaaq (2) (kiim.) Walax lagu midabeeyo dunta, maaska, iwm. Sibaaqyada badankoodu waa iskudhisyo orgaanig ah oo la macmalay. Sibaaqyadu aalaaba waa iskudhisyo orgaanig ah oo aan dhereg-sanayn oo leh dabarro lammaan oo talan-taali ah, dabarrada keenaaya midabka waxa lagu magacaabaa koroomofoor.
sibbaaq (3) Dhar iwm midab u yeelid.
sibbaaqan Dhar iwm wax midab loo yeelay ahaansho.
sibbaaqasho eeg sibbaaqo.
sibbaaqid eeg sibbaaq².
sibbaaqnaan eeg sibbaaqan. ld sib-baaqnaansho.
sibbaaqnaansho ld sibbaaqnaan.
sibbaaqo Dhar iwm midab u yeelasho.
sibbaar Cid daryeelid; cid taakulayn.
sibbaarid eeg sibbaar.
sibbi 1. Silsillad dahab ah. 2. Kuul leh midab ka kooban dhibicyo madow iyo caddaan ah oo haweenku qoorta ku xirtaan.
sibiib ld sabiib.
sibiibix S. ah: meel kor siman ama qoyan oo lagu simbiriirixanayo.
sibiibixasho eeg sibiibixo². ld sibiibixo¹ (2).
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>