Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jeeraarin
badbaadis ld badbaadin.
badbaado Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
badbaadsasho eeg badbaadso. ld badbaadaysasho.
badbaadso Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. ld badbaadayso.
badbad Wax karsamaya takhid.
badbadi Ka b.: wax, xadkooda dhaafin.
badbadid eeg badbad.
badbadin eeg badbadi.
badbax (1) Guuridda reero xagga badda u guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada dhuugga, baalka iwm.
badbax (2) 1. Ka b.: halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka iwm xagga badda u guurid (reero).
badbeed Si toos ah wax uga hortagid.
badbeedid eeg badbeed.
badbixid eeg badbax.
baddal (1) ld beddelid.
baddal (2) ld beddel².
baddalaad ld beddelid.
baddalan (1) ld beddelan¹.
baddalan (2) ld beddelan².
baddalasho ld beddelasho.
baddalid ld beddelid.
baddalmid ld beddelmid.
baddalnaan ld beddelnaan.
baddalnaansho ld beddelnaan.
baddalo ld beddelo.
badeecad 1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.
badeeco ld badeecad (1).
badeel ld badiil.
badfur (juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. ld badfuran.
badfuran ld badfur.
badhan Shey yar oo caag, bir iwm ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.
<< < 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 > >>

 

Exit mobile version