kelli (2) Mid ka mid ah labada cad oo digirta qaabkeeda leh oo uurka ku jirta (lafdhabarta labadeeda dhinac) oo waxa oogadu raacdo iyo dhiigga kala soocda, oo kaadi ahaan dibadda uga soo saarta.
kelli (3) (c.nafl.) Xubin muhim ah oo qashinsaarka u qaabilsan lafdhabarleyda, taas oo laga saaro walxo wasakh naytaroojiin ah (inta badan, kaadi ahaan). Naasleydu waxay leeyihiin lammaane kelya ah oo ku yaalla bucda.
kelli-badeed (juqr.) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.
kellibalow K. ah: xoolo aan dhergin. ld gellibalow.
kelliggub Summad geel oo ah bar dab ah oo kellida korkeeda lagu dhigo.
kellijuluqle Neef xoolo ah oo soo xerooday isaga oon dheregsanayn.
kelmed Eray, hadal.
kelmi ld gelmi.
kelmidhabad ld gelmidhabasho.
kelmidhabasho ld gelmidhabasho.
kelmidhabo ld gelmidhabo.
kelya-adag Wax dhiirran ahaansho.
kelya-adayg Dhiirranaan cidi leedahay. ld kelya-adkaan.
kelya-adkaan eeg kelya-adag. ld kelya-adeyg, kelya-adkaansho.
kelya-adkaansho ld kelya-adkaan.
kelyaciirsad ld kelyaciirsasho.
kelyaciirsasho eeg kelyaciirso. ld kelyaciirsad, kelyaciirsi.
kelyaciirsi ld kelyaciirsasho.
kelyaciirso Kelyo adayg lahaansho.
keni 1. In door ah (waqti). 2. Niyad.
keni-adag Wax qalbi adag ahaansho.
keni-adayg Qof go'aan adag leh. ld keni-adkaan.
keni-adkaan eeg keni-adag. ld keni-adayg, keni-adkaansho.
keni-adkaansho ld keni-adkaan.
kensi ld kansi.
keratiin (baay.) Koox ka mid ah borotiinnada miiqan ee laga helo timaha, baalasha, qoobobka iyo geesaha.
keretinniism Maraarnimo.
keylli ld kaylli.
keynaan Summad : V. Dhakhsaha bara-baxa walax. Keynaan waa xawaare ji-heysan. Keynaan waa xaddi leeb, xawaa-ruhuna waa xaddi foolwaa.
keyrkeyr (1) Cabsi darteed oo lala gar-gariiro.
<< < 897 898 899 900 901 902 903 904 905 906 907 > >>