maago Ka m.: wax cabsi darteed uga dheeraansho. maahane qr. ld mooyaane.
maahi Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
maahin eeg maahi.
maahmaah1 Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. ld maahmaahyo. maahmaah2 Maamaah sheegid ama allifid. maahmaahid eeg maahmaah².
maahmaahyo ld maahmaah¹.
maahsan Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
maahsanaan eeg maahsan. ld maahsanaansho, maahsani.
maahsanaansho ld maahsanaan.
maahsani ld maahsanaan.
maajeen1 Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato. maajeen2 Naq badan. maajo Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.
maakaal ld maankaal.
maakhad 1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.
maakhadee U maakhadee cid been ku madadaalin.
maakhadeyn eeg maakhadee.
maakhiido Haweeney gaari ah.
maal1 1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid. maal2 Malax. maal3 Neef irmaan caano ka lisid. maala-abbaar Mala'awal.
maalan Wax la lisay ahaansho (neef irmaan).
maaleeyo 1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.
maalgeli Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.
maalgelin eeg maalgeli. ld maalgelis.
maalgelis ld maalgelin.
maali Cid neef irmaan ammaanaysiin.
maalid eeg maal³. ld maal¹ (3), maalis², maalniin.
page : 985 of 1584
<< < 980 981 982 983 984 985 986 987 988 989 990 > >>