makhluuq 1. Nafleyda Eebbe abbuuray oo dhan; uun. 2. Dad.
makhmal Maro xariir ah oo ay haweenkii hore qaadan jireen.
makhmarad Weel khamrada laga gato laguna cabbo.
makhnaatad Hadal ama dhaqan aad u xun. ld makhnaato.
makhnaato ld makhnaatad.
makhoor1 1. Hab doonyaha shiraaca leh u socdaan marka ay aadayaan jihada ay dabayshu ka imaaneyso iyagoo hadba dhan isu dadbaya. 2. ld makhoorid. makhoor2 Doon shiraac leh aadid dhanka dabaysha ka imaaneyso iyadoo hadba dhan isu dadbeysa. ld mokhoor². makhoorid eeg makhoor². ld makhoor¹, mokhoor¹, mokhoorid.
makhrib ld marqib.
makhsin ld maqsin.
makhuur1 ld maquurid. makhuur2 ld maquur². makhuuri ld maquuri.
makhuurid ld maquurid.
makhuurin ld maquurin.
makhuursan ld maquursan.
makhuursanaan ld maquursanaan.
makhuursanaansho ld maquursanaan.
makiinad 1. Mashiin. 2. Sakiin.
makooko Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Jilib.
maktabad 1. Meel buugag badan oo kala jaad ah yaalliin oo laga amaahsado ama lagu akhristo. 2. Dukaan buuggagta, wargeysada, waraaqaha xafiiska iwm loogu iibsho.
makuuti Caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.
mal1 1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya. mal2 Dhal yar oo caana ku nool ahi mal dhigid. mala-abbaar1 Mala'awaal. mala-abbaar2 Wax mala'awaalid. mala-abbaarid eeg mala-abbar².
mala-awaal1 Wax aan la hubin oo male ku dhisan. mala-awaal2 Wax aan la hubin qiyaasid. mala-awaalid eeg mala-awaal².
page : 1015 of 1584
<< < 1010 1011 1012 1013 1014 1015 1016 1017 1018 1019 1020 > >>