manjarroorsan Qof, wax manjarrooray ahaansho. ld majarroorsan, mijarrorsan, minjarroorsan.
manjarroorsanaan eeg manjarroorsan. ld majarroorsanaan, majarroorsanaansho, manjarroorsan.
manjarroorsanaansho ld manjarroorsanaan.
manjasaar1 Qaabka loogu fariisiyo ilmo saxaroonayo ama kaadshaya iyaga oo labada lugood la dul saarayo. ld majasaar¹, mijasaar¹, minjasaar¹. manjasaar2 Ilmo saxaroonayo ama kaadshayo lugo saarid. ld majasaar², mijasaar², minjasaar². manjasaarid eeg manjasaar². ld majasaarid, mijasaarid, minjasaarid.
manjasuux1 1. Taagnaan badan oo manjuhu ku daalaan. 2. Manjaha oo tabar darreeya naxdin awgeed. ld majasuux¹. manjasuux2 1. Taagnaan badan darteed manjo ku daalid. 2. Naxdin awgeed la tabardarreyn. ld majasuux². manjasuuxi Cid taagnaan badan ku daahin. ld majaxuusi.
manjasuuxid eeg manjasuux². ld majasuuxid.
manjasuuxin eeg manjasuuxi. ld majasuuxin.
manjasuuxsan 1. Wax taagnaan ku daalay ahaansho (qof). 2. Naxdin awgeed wax manajaha ka tabardarreeyo ahaansho (qof). ld majasuuxsan.
manjasuuxsanaan eeg manjasuuxsan. ld majasuuxsanaan, majasuuxsanaansho, manjasuuxsanaan.
manjasuxsanaansho ld manjasuuxsanaan.
manjaxaabi 1. Qof taagan ama socda lugihiisa dhulka ka qaadid si uu u dhaco. 2. Xukun afgembin. ld majaxaabi, mijaxaabi, minjaxaabi.
manjaxaabin eeg manjaxaabi. ld majaxaabin, majaxaabis, majaxaabo, manjaxaabis.
manjaxaabis ld manjaxaabin.
manjaxaabo ld manjaxaabin.
manjo Faal dhinaca qof faal dhigaya soo xiga.
mannasheegad ld mannasheegasho.
mannasheegasho eeg mannasheego. ld mannasheegad, minnasheegad, minnasheegasho.
mannasheego Cid u abaalsheegasho. ld minnasheego.
mannee Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. ld minnee.
mannexe Qof aan naxariis lahayn.
manneyn eeg mannee. ld minneyn.
manneysasho eeg manneyso. ld minneysasho.
manneyso 1. Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. 2. Cid ku abaal sheegasho. ld minneyso.
manniiqo ld malliiqo.
manno 1. Deeq Eebbe bixiyo. 2. Abaal sheegashada cid wax la siiyay lagu abaalsheegto. ld minno.
mannooge Qof aan hawsha ka daalin; maddaale.
page : 1023 of 1584
<< < 1018 1019 1020 1021 1022 1023 1024 1025 1026 1027 1028 > >>