marsanaansho ld marsanaan.
marsasho eeg marso². ld marsad.
marshee Marsho gelin.
marsheyn eeg maashee.
marsho 1. Birta geerarka baabuurka bedbeddesha. 2. Makiinadda geerarka baaburka. 3. Socod dheer oo ciidanku sameeyaan.
marsii 1. Cid arrin si khasab ah ku oggoleysiin. 2. Wax kale dul marin (wax). 3. Wax meel ku dul socodsiin. 4. Arrin cid kale ogaysiin (gob). 5. Arrin, warqad iwm meel geyn si ay meeshaasi u sii gudbiso (qof).
marsiin eeg marsii.
marsiino Maro weyn oo dumarku xirtaan oo boqor dhexda lagaga xiro.
marso1 1. Dhismo xeebaha badaha laga dhiso oo doonayaha iyo maraakiibta ku xirato. 2. Diilliin madow oo iduhu dhexda ku yeeshaan. marso2 1. Cunto, lacag iwm dhammaysasho. 2. Wax meel ka gudbisasho. 3. Dufan, rinji iwm ku dhaashasho. 4. Cashar cid ula tegid si loogu akhriyo (qof). 5. Marada ay xirantahay dhexda ka xirasho (haween). 6. Arrin meel gole ah ka caddeysasho. marsoobbax Nooc halaqa ka mid ah, waabaayo halis ah leh oo dhif iyo naadir loo arko; wed-lasoobax; abris.
marsubaaliya (c.nafl.) Dir hoosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaankoodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika. Tus. “Kaanguruu”.
marsuubiyaal Xubin ka tirsan dir hoosaadka marsubaaliya.
martabad 1. Jago sare oo la gaaro. 2. Meherad.
marti1 (marti, m.dh) Qof laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn. marti2 Dad laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn. marti3 M./u m.: cid marti u noqosho. martiggeli Qof marti ahaan u soo dhaweyn.
martiggelin eeg martiggelin.
martiqaad1 1. Sooryo qof marti ah la siiyo. 2. ld martiqaadid. martiqaad2 Cid marti ah soorid. martiqaadid eeg martiqaad². ld martqaad¹ (2).
martiqadin Martiggelindarro. ld martiqadis (2).
martiqadis 1. Qof aan martisoore ahayn. 2. ld martiqadin.
martisoor1 ld martisoorid. martisoor2 Cid marti ah soorid. martisoore Qof martida soo dhaweeya.
martisoorid eeg martisoor². ld martisoor¹.
martiyee Cid marti u noqosho.
martiyeyn eeg martiyee.
page : 1038 of 1584
<< < 1033 1034 1035 1036 1037 1038 1039 1040 1041 1042 1043 > >>