Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
moor  1. Shay cusub ama aan la doonayn in la furo wax lagu xiro. 2. Lacagaha la bixinayo canshuur yar oo boqolkiiba in dawladdu ku leedahay. 3. M. ah: qof cayr ah.
mooradduug1  Dhac aan wax la isku reebin. ld mooradduugid. mooradduug2  Cid hantidii ay lahayd oo dhan ka dhicid. mooradduugid  eeg mooradduug². ld mooradduug¹.
moorayn  eeg mooree. ld moorays.
moorays  ld mooreyn.
mooraysad  ld mooraysasho.
mooraysan  Wax mooro ku jira ahaansho (xoolo).
mooraysasho  eeg moorayso. ld mooraysad, mooraysi.
mooraysi  ld mooraysasho.
mooraysnaan  eeg mooraysan. ld mooraysnaansho.
mooraysnaansho  ld mooraysnaan.
moorayso  Xoolo mooro ku xereysasho.
moordi  1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
moordoobid  eeg moordow². ld moordow¹.
moordow1  Aad u cadhoobidda xooluhu cadhoobaan. ld moordoobid. moordow2  Xoolo aad u cadhoobid. mooree  Xoolo mooro gelin.
moorif  Wasaq jilif leh oo dadku marka uusan muddo mayrsan korka ku yeesho.
mooro  1. Xerada xoolaha la geliyo ama lagu xereeyo. 2. Faalka baydadkiisa dhexda ku jira. 3. Manaasisha dayaxu fariisto mid ka mid ah.
mooryaan  1. Dad cayr ah. 2. Dad ku nool boob, dhac iyo dil. 3. M. ah: xoolo jirkooda cadho jilifaysay.
moos1  1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo. 2. Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada. 3. Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan. moos2  1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2). moos3  1. Dhis ama dhoobo beer iwm biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid. moos-bukeeni  Moos waaweyn oo marka la kariyo la cuno.
moos-wabiyeed  (jool.) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
moosan  Wax la moosay ahaansho.
moosasho  eeg mooso.
moosdameeri  Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
moosid  eeg moos³.
page : 1088 of 1584
<< < 1083 1084 1085 1086 1087 1088 1089 1090 1091 1092 1093 > >>

 

Exit mobile version