mudac Qalab af dhuuban oo daab qori ah oo la qabsado leh, laguna tolo dhiilaha, haamaha iwm.
mudac-middiil Qalab bir ka samaysan, af fiiqan iyo dhex ballaaran oo wax goysa leh oo haanta, masafta iwm marka la samaynayo loo isticmaalo.
mudan1 (mudan, m.l) Qaddarin gaar ah qof la siiyo; wax la mutaystay. ld mudanti. mudan2 Wax meel ku turqan noqosho (shay). mudan3 1. Erey tilmaama naag sharaf mudan. 2. (m.u) Dad muhim ah. mudan4 Wax la muday ahaansho. mudan5 1. Qof wax u qalama ahaansho. 2. Qof wax sharaf huwan ahaansho. mudane 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
mudanti ld mudan¹.
mudasho eeg mudo.
mudasho1 eeg mudo. mudbax1 1. Wax caarad leh oo inta wax doc ka muda docda kale uga baxa. 2. ld mudbixid. ld murbax¹. mudbax2 Ka m.: wax caarad leh wax ka dhex bixid. ld murbax². mudbaxsan Ka m.: wax, wax la socday ama la sinnaa wax ka soo hor muuqda ahaansho. ld murbaxsan.
mudbaxsanaan eeg mudbaxsan. ld mudbaxsanaansho, murbaxsanaan, murbaxsanaansho.
mudbaxsanaansho ld mudbaxsanaan.
mudbixi Wax waran iwm ka dhex bixin. ld murbixi.
mudbixid eeg mudbax². ld mudbax¹ (2), murbax¹, murbixid.
mudbixin eeg mudbixi. ld murbixin.
muddaahanee ld muddaahinee.
muddaahaneyn ld muddaahineyn.
muddaahano 1. Meermeerin iyo dib-udhigidda arrin aan la doonayn in la fuliyo. 2. ld muddaahineyn.
muddaaharaad1 Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. ld mudaaharaad¹. muddaaharaad2 Dadweyne tiro badan oo wax taageeraya amaba diidaya fagaaro isugu soo bixid. ld mudaaharaad². muddaaharaadid eeg muddaaharaad². ld mudaaharaadid.
muddaahinee Arrin aan la rabin in durba la fuliyo, dibudhig, meermeeris iyo hadal macaan ku wadid. ld muddaahanee.
muddaahineyn eeg muddaahinee. ld muddaahaneyn, muddaahano, muddaahino.
muddaahino ld muddaahineyn.
muddac1 Ninka garta sheeganaya. muddac2 La m.: cid la garramid ama dacwiyid.
page : 1092 of 1584
<< < 1087 1088 1089 1090 1091 1092 1093 1094 1095 1096 1097 > >>