rahmanaansho ld rahmanaan.
rahmid eeg rahan³.
rahmo Wax rahan ahaan u dhiibasho.
rajab Bisha toddobaad ee bilaha carabiga, kana mid ah afarta bilood oo xurmada ku leh diinta Islaamka. ld rejen.
rajakoris (1) R. ah: nin haya carruur hooyadood dhimatay.
rajakoris (2) 1. Dabshidka iyo irridda meesha u dhexeysa. 2. Naag naxariis badan.
rajal Bil dayaxeedda saddexaad ee taariikhda Soomaaliga ee u dhexeysa Mowliid iyo Sabbuux.
rajannimo Ilmo yar rajo ahaansho. ld rajaynimo.
rajay (1) Wiil yar oo hooyadii dhimatay.
rajay (2) Gabar yar oo hooyadeed dhima-tay.
rajayn eeg rajee.
rajayn (1) eeg rajee. ld rejeyn.
rajaynnimo ld rajannimo.
rajci Qof ka soo horjeeda horumarka nololeed; dibusocod.
rajcinnimo Rajci ahaansho (qof).
rajciyad Fikrad dibusocodnimo.
rajee (1) Ilmo yar rajo ka dhigid.
rajee (2) Filasho. ld rejee.
rajiimi 1. Dheri si tartiib ah deb uga qaadid. 2. Sheydaan iska naarid. “Shaydaanka iska rajiimi.”
rajiimin eeg rajiimi. ld rajiimis.
rajiimis ld rajiimin.
rajmi (1) Dhagax ku dilidda qof sinnaystay.
rajmi (2) Qof nikaax xalaal ah soo maray oo sinaystay dhagax ku dilid.
rajmiyid eeg rajmi².
rajo (1) Ilmo yar-yar oo hooyadood dhimatay.
rajo (2) Filashada la filanayo wax la heli doono. ld rejo.
rajokoris Dabshidka iyo aqalka meesha u dhexeysa.
rajoobid eeg rajow.
rajow Ilmo yar rajo noqosho.
rakaab 1. Bir ka lalmata kooraha labadiisa dhinac midkood. 2. Qoryo ceelasha afkooda lagu sameeyo si loogu shubo ama loogu galo. 3. Dad gaadiid raacay.
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>