Site icon Qaamuus

qaamuus

Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: shugriyid
saqaf (2) Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo.
saqafayn eeg saqafee.
saqafaysad ld saqafaysasho.
saqafaysasho eeg saqafeyso. ld saqafaysad, saqafaysi.
saqafaysi ld saqafaysasho.
saqafayso Timo saqaf ku firasho.
saqafee Timo saqaf ku firid.
saqajaan 1. S. ah: qof dhaqan xun oo aan xishoon. 2. Xishoon la'ahaanshada.
saqdambeed Gelindambeed.
saqdhexaad Gelindhexaad.
saqiir (1) Ilmo yar. ld siqiir¹.
saqiir (2) Ilmo yaraan ku dhimasho. ld siqiir².
saqiirid eeg saqiir². ld siqiirid.
saqiirnimo Saqiir ahaansho. ld siqiir-nimo.
saqiirragawrac Colaad xun oo labo qolo dhax marta.
saqiirsuuji Ilmo yar nafaqadii iyo xannaanadii uu ku kori lahaa seejin.
saqiirsuujin eeg saqiirsuuji. ld saqiirsuujis (2).
saqiirsuujis 1. S. ah: Qof dumar ah oo ilmo yar si xun u xannaanaysa. 2. ld siqiirsuujin.
saqlays ld saqlayn.
saqle Nooc ka mid ah orodka geela.
saqlee Saqle ku ordid.
saqleyn eeg saqlee.
sar (1) 1. Aqal weyn oo dhagax iwm laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo'ah.
sar (2) Wax jeexdin yar u yeelid.
saraacimo Libaaxbadeed aad u weyn oo gafuur dheer iyo ilko kuwa miinshaarta u eg leh.
saraad (1) 1. Wax dhici doona oo la sii sheego. 2. Calaamado iyo dhacdooyin tus-meeya wax dhici doona.
saraad (2) 1. Wax dhici doona mala-awaalid. 2. Dhacdooyin tilmaamid.
saraadi Wax dhici doona mala-awaalid.
saraadid eeg saraad².
saraadin eeg saraadi. ld saraadis.
<< < 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 1321 > >>
Exit mobile version