saxar-saleed (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxar-rada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
saxariir1 Dhibaato aad u badan; silic; rafaad. saxariir2 Dhibaato weyn la kulmid. saxariiri Cid dhibaato weyn gaarsiin..
saxariirid eeg saxariir².
saxariirin eeg saxariiri.
saxariirsan Nafley wax dhibaato hayso ahaansho.
saxariirsanaan eeg saxariirsan. ld saxariirsanaansho.
saxariirsanaansho ld saxariirsa-naan.
saxarka Alfa (kiim.) Bu'da heliyam oo ay bixisay bu'weyn oo uu ku dhaca mataatax kaahfaleed. S. a. ma laha tamar socod badan, waxaana markiiba nuugta hawada.
saxaro Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
saxaroo Saxaro dhigid.
saxarood eeg saxaroo.
saxartir Wax aad u nadiifin.
saxartirid eeg saxartir.
saxasho eeg saxo. ld saxad, sixad, sixasho.
saxid eeg sax². ld saxniin, sixid.
saxiimad Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. ld sixiimad.
saxiix1 Qoraal la sharciyeynayo oo magac dhan ama la gaabiyey hoosta looga dhigo. saxiix2 Qoraal la sharciyeynayo, magac dhan ama la soo gaabiyey hoosta uga qorid. saxiixan Wax la saxiixay ahaansho.
saxiixasho eeg saxiixo.
saxiixid eeg saxiix².
saxiixnaan eeg saxiixan. ld saxiix-naansho.
saxiixnaansho ld saxiixnaan.
saxiixo Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho.
saxnaan eeg saxan². ld saxnaansho.
saxnaansho ld saxnaan.
saxniin ld saxid.
saxo1 Xaaladda uu ku sugan yahay jir aan cudur hayn. ld sixo¹.
page : 1324 of 1584
<< < 1319 1320 1321 1322 1323 1324 1325 1326 1327 1328 1329 > >>