Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
sibqi  Wax iyadoon la calalin liqid.
sibqin  eeg sibqi.
sibqo  Ku s.: wax afka ku jira iyagoo aan la rabin in la liqo hunguriga ku roorid.
sibraar  Harag neef yar oo ari ah, oo si gaar ah loo baxshay loona habeeyey oo biyaha ama caanaha lagu shubto.
sicir  Qiime. ld siir.
sid1  1. Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexeysa. 2. Culaabta gaadiid hal mar qaadi karo. sid2  (c.nafl.) Muddada ay qof dumar ahi ilmo uurka ku qaaddo, sidku wuxuu socdaa qiyaasta 266 maalmood, laga bilaabo calool galka ilaa ilmuhu dhashaan, ilmaha uurka ku jirana wuxu ku koraa uurka. Inta sidku socdo caadadu way maqantahay, waxaa dhici kara in ay aad u badato cuno cunnidu ama la jeclaado cunitaanka, naasuhu way weynaadaan, qofka dumarka ah waywallaci kartaa. sid3  1. (f.g) Cid ama wax qaadid ama kor u hayn. 2. (f.mg) Neef dheddig wax riman ahaansho. sid-dhowee  Dheddig xoolaad oo rimman waqtigii ay dhali lahayd u dhowaasho. ld shindhowee.
sid-dhoweyn  eeg sid-dhowee. ld shindhoweyn.
sida  ld si.
sidaan  ld si.
sidaas  ld si.
sidasho  eeg sido.
sidataal  Bilaha soomaaliga oo dayaxa lagu tirsado, tan u dhexeysa soonfur iyo arrafo.
sidbasho  eeg sidbo.
sidbi  Wax simbiriirixin.
sidbin  eeg sidbi.
sidbo  Meel siman oo qoyan ku simbiriirixasho.
siddaysad  ld siddaysasho.
siddaysan  Wax siddo loo yeelay ahaansho.
siddaysasho  eeg siddayso. ld siddays-ad, siddaysi.
siddaysi  ld siddaysasho.
siddaysnaan  eeg siddaysan. ld sid-daysnaansho.
siddaysnaansho  ld siddaysnaan.
siddayso  Wax siddo u yeelasho.
sidde  ld siddo.
siddee  Wax siddo u yeelid.
siddeed  Tirada toddobada iyo sagaalka u dhexeysa; “8”.
siddeedaad  Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.
page : 1366 of 1584
<< < 1361 1362 1363 1364 1365 1366 1367 1368 1369 1370 1371 > >>

 

Exit mobile version