Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
siddeedle  Xaashi turub oo siddeed dhib-cood leh.
siddeetamaad  ld siddeetanaad.
siddeetameeye  Tiro qiyaas ahaan siddeetan u dhow. ld siddeetaneeye.
siddeetan  Tiro ka kooban siddeed meelood oo min toban ah; siddeed tobnaad; “80”.
siddeetanaad  Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma siddeetan. ld siddeetamaad.
siddeetaneeye  ld siddeetameeye.
siddeyn  eeg siddee.
siddeysad  ld siddeysasho.
siddeysan  Weel iwm wax siddo loo yeelay ahaansho.
siddeysasho  eeg siddeyso. ld siddeysad, siddeysi.
siddeysi  ld siddeysasho.
siddeysnaan  eeg siddeysan. ld sid-deysnaansho.
siddeysnaansho  ld siddeysnaan.
siddeyso  Weel iwm siddo u yeelasho.
siddo  Meel alaabta wax lagu rito sida dambiilaha, boorsooyinka iwm loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabsado marka la qaadayo. ld sidde.
sidee  Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. ld see.
sidib  Meel siman oo lagu simbiriirixan karo.
sidid  eeg sid³.
sidig1  Laba halaad oo hal ilmo ah ku wada irmaan. sidig2  (fiis.) Laba xoog oo isle'eg, isku lid ah, barbaro ah, si wadajir ahna u saaran walax. Xoogaggaasi waxa ay sababaan in ay walaxdu ku wareegto dhidib dhexaad-keeda. sidig3  Hal geel ah ilmo aysan dhalin oggolaysiin. sidii  ld si.
sidix  1. Harag aan dhogor lahayn. 2. S. ah: ilmo yaroo markaas dhashay.
sidkan  Wax la sidkay ahaansho (hal geel).
sidkanaan  eeg sidkan. ld sidka-naansho.
sidkanaansho  ld sidkanaan.
sidkasho  eeg sidko. ld sidko.
sidkid  eeg sidig².
sidko  Hal geel sidig ka dhigasho.
sido  1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho.
page : 1367 of 1584
<< < 1362 1363 1364 1365 1366 1367 1368 1369 1370 1371 1372 > >>

 

Exit mobile version