waabin eeg waabi.
waabis Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
waabjiif Qof buka oo waab jiifa laguna daaweeyo.
waabnaan eeg waaban. ld waabnaansho.
waabnaansho ld waabnaan.
waabo 1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.
waaceensasho eeg waaceenso. ld waaceensi.
waaceensi 1. Doonidda qof doonayo in uu aarsado. 2. ld waaceensasho.
waaceenso 1. Cid wehel, garab iwm ka dhigasho. 2. Aanayso.
waaciidsasho eeg waaciidso. ld waaciidsi.
waaciidsi ld waaciidsasho.
waaciidso Cid kaalmaysasho.
waadi Tog engegan oo kolka roob da'o kaliya biyo qaadaan.
waaf (c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.
waafaji Laba arrimood oo kala duwan is haleeshiin. Tus. “Labadaas arrimood is waafaji.”
waafajin eeg waafaji.
waafaq 1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.
waafaqid eeg waafaq.
waafaqsan Wax, wax kale raacsan ahaansho.
waafaqsanaan eeg waafaqsan. ld waafaqsanaansho.
waafaqsanaansho ld waafaqsanaan.
waafi W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.
waag1 Socod badan oo wax lagu baadigoobayo. waag2 Socod badan samayn iyadoo wax la baadigoobayo. waageer1 ld maageer¹. waageer2 ld maageer². waageeran ld maageeran.
waageerasho ld maageerasho.
waageerid ld maageerid.
waageernaan ld maageernaan.
page : 1476 of 1584
<< < 1471 1472 1473 1474 1475 1476 1477 1478 1479 1480 1481 > >>