waayo-aragnimo Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
waayo-waayo Waayo kale geddisan oo la soo maray.
wab1 Saabley; feero; uur; wadne. wab2 Wabar, ugaas. wabar 1. Nin qolo ama tol madax u ah. 2. Mid quman, wanaagsan, suuban.
wabas Nin gaaban oo bar yar.
wabax1 Biyo ka dhergidda (xoolo). wabax2 Xoolo biyo ka dhergid. ld wabaxso. wabaxguul W. ah: xoolo wabax ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
wabaxsan Wax wabxay ahaansho (xoolo).
wabaxsanaan eeg wabaxsan. ld wabaxsanaansho.
wabaxsanaansho ld wabaxsanaan.
wabaxsasho eeg wabaxso. ld wabxib.
wabaxso Xoolo biyo badan siisasho.
wabaxtaraar Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.
wabxi Xoolo biyo ka dhergin.
wabxid eeg wabax². ld wabaxsasho.
wabxin eeg wabxi.
wac1 Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro. wac2 1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin. wacaal Wax jira; war; xog. Tus. “War iyo w. midna uma hayo”.
wacaari Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.
wacad Ballan adag oo la galo.
wacadfur1 Wacad la dhigtay oo la jabsho. wacadfur2 Ku w.: ballan adag oo la galay ka bixid. wacadfurid eeg wacadfur². ld wacadfuryo.
wacadfuryo ld wacadfurid.
wacadqabe Qof wacad u galay ka baxay oo inkaar qaba.
wacal1 Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹. wacal2 Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel².
page : 1481 of 1584
<< < 1476 1477 1478 1479 1480 1481 1482 1483 1484 1485 1486 > >>