hagnaan eeg hagan. ld hagnaansho.
hagnaansho ld hagnaan.
hagoog1 1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa. hagoog2 1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid. hagoogad ld hagoogasho.
hagoogan Wax hagoog leh ahaansho.
hagoogasho eeg hagoogo. ld hagoogad.
hagoogid eeg hagoog².
hagoognaan eeg hagoogan. ld hagoognaansho.
hagoognaansho ld hagoognaan.
hagoogo 1. Maro qaarka sare oo aan indhuhu ku jirin ku daboolasho. 2. Haweenay ganbo madaxa saarasho.
hagooji Wax hagoog u yeelid.
hagoojin eeg hagooji. ld hagoojis.
hagoojis ld hagoojin.
hagrad ld hagrasho.
hagrasho eeg hagro. ld hagrad.
hagro Si aan daacad ahayn wax u qabasho.
hah1 Dhadhan ama ur kulul oo dhirta qaarkeed yeeshaan. hah2 Eray lagu dhawaaqo marka wax la kahdo ama xanuun la dareemo. hakaabsad ld hakaabsasho.
hakaabsasho eeg hakaabso. ld hakaabsad, hakaabsi.
hakaabsi ld hakaabsasho.
hakaabso 1. Guri, xero iwm irriddiisa xirid. 2. Nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
hakabsad ld hagabsasho.
hakabsasho ld hagabsasho.
hakabsi ld hagabsasho.
hakabso ld hagabso.
hakad 1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. ld hakasho.
hakad-wadneed (c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
hakah ld haaka.
page : 16 of 93
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>