xuubdhacsasho eeg xuubdhacso. ld xuubdhacsad, xuubdhacsi.
xuubdhacsi ld xuubdhacsasho.
xuubdhacso 1. Mas iwm xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. ld xuubsiibo.
xuubdillaac (daaw.) Xubin jirka ka mid ah haddii ay ka baxdo meeshii ay caadi ahaan ku taalley.
xuubdillaacsad ld xuubdillaacsasho.
xuubdillaacsasho eeg xuubdillaacso. ld xuubdillaacsad, xuubdillaacsi.
xuubdillaacsi ld xuubdillaacsasho.
xuubdillaacso 1. Xuub-ka sare iska siibid. 2. Qaabka sare beddelid.
xuubi1 Libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah. xuubi2 1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iwm degdeg ku kaxayn. xuubin eeg xuubi².
xuubka saynuufiyal (c.nafl.) Xuub ka samaysan nudo isku xidhayaal, kaas oo sameeya kiish ku wareegsan kala goys dhaqdhaqaaq samayn kara, sida kala goyska suxulka, oo labada dhinacba kaga dhegsan laf. Kiishka waxaa ka buuxa dheecaan isjiidanaya oo subka korka sare ee carjowda kala goyska.
xuubka timbaanik (c.nafl.) Xuubka kala sooca qaybta kore iyo qaybta dhexe ee dhegta. Wuxuu sameeyaa dhaq-dhaqaaq uu ugu jawaabayo hirarka codka, isaga oo u gudbinaya barta maqalka, siina marinaya laf dhexe-dhegoodka.
xuubsad ld xuubsasho.
xuubsasho eeg xuubso. ld xuubsad, xuubsi.
xuubsi ld xuubsasho.
xuubsiibad ld xuubsiibasho.
xuubsiibasho eeg xuubsiibo. ld xuub-siibad.
xuubsiibo Xuubka ama haragga duugooba ka bixid, ka siibasho (halaqu sanadiiba dhawr jeer buu xuub-siibtaa).
xuubso 1. Xuubka hore ka diirasho, ka muruxso. 2. Canaan iyo dagaal kulul cid ku samayn.
xuudhayn eeg xuudhee. ld xuudheys.
xuudhee 1. Socod aayar ah oo aan meel la tageyn socosho. 2. Isku x.: laba nafley isku dirid.
xuudheys ld xuudhayn.
xuuko Subag hilibka geela laga shiilo oo sida xayrta adkaata.
xuunsho Shimbir badanaa cad oo wa-sakhda cunta.
xuur 1. Inan da'yar. 2. X. ah: yar, aan weyneyn.
xuur1 1. Gabar yar oo aan fil weyneyn. 2. Shimbir luqun dheer. xuuralcayn 1. Gabdho aad u qurxoon oo jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
xuuri ld khuuri.
xuurin eeg xuuri.
page : 1572 of 1584
<< < 1567 1568 1569 1570 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 > >>