Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
sandulleysnaan  eeg sandulleysan. ld sandulleysnaansho.
sandulleysnaansho  ld sandulleys-naan.
sanduuq  1. Shay ka samaysan qori alwaax ah ama bir oo dharka iyo alaabta lagu rito. 2. Meel lagu kaydiyo hanti hay'adeed iwm. ld santuukh.
sanduuqa codka  (baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.
saneeg  Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka dhasha santuur lagu sameeyey.
sangaalle  Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha. ld sangal.
sangal  1. Kintir. 2. Sangaalle.
sange  ld senge.
sangooti  Koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
sani  Wax urin (xoolo).
saniifad  Gabal maro ah oo lagu tolo maro kale oo ka midab duwan. ld saanifad.
sanin  eeg sani.
sanis  S. ah: ugaar halis horay uga baxsatay oo fiigsan.
sankahadlid  Islweyni; kibir.
sankuneefle  1. Wixii naf ku jirto oo dhan. 2. Dad.
sannaabayn  eeg sannaabee. ld sannahaabayn.
sannaabee  Cunto yar oo aan ku filnayn qof weyn siin. ld sannahaabee.
sannaabo  Cunto yar oo aan qof weyn ku filnayn. ld sannahaabo.
sannaadi  S. ah: qof kibir badan.
sannaar  Si joogto ah u qaylin.
sannaari  1. Ka s.: nafley ka qaylisiin. 2. Ka s.: wax ka dhawaajin.
sannaarid  eeg sannaar.
sannaarin  eeg sannaari.
sannad  Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. ld sanad.
sannad-if  Socodka uu sameeyo ilyska sannadkiiba.
sannadguuro  Xus la sameeyo sanadkiiba mar iyadoo lagu maamuusayo dhacdo weyn. ld sanag-guuro.
sannahaabayn  ld sannaabayn.
sannahaabee  ld sannaabee.
sannahaabo  ld sannaabo.
sannif1  1. Gabay iwm oo la curiyo. 2. Dhaawac yar oo aan haragga dhaaf-sanayn. ld sannifaad.
page : 30 of 118
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>

 

Exit mobile version