Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maraqsan
saqaaf (1) ld saqaafe.
saqaaf (2) Macne la'aan socosho. ld saqaafee.
saqaafe Socod warwareeg ah oo lagu qaraabto. ld saqaaf¹.
saqaafee ld saqaaf².
saqaafeyn ld saqaafid.
saqaafid eeg saqaaf². ld saqaafeyn.
saqaf (1) ld saanqaaf.
saqaf (2) Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo.
saqafayn eeg saqafee.
saqafaysad ld saqafaysasho.
saqafaysasho eeg saqafeyso. ld saqafaysad, saqafaysi.
saqafaysi ld saqafaysasho.
saqafayso Timo saqaf ku firasho.
saqafee Timo saqaf ku firid.
saqajaan 1. S. ah: qof dhaqan xun oo aan xishoon. 2. Xishoon la'ahaanshada.
saqdambeed Gelindambeed.
saqdhexaad Gelindhexaad.
saqiir (1) Ilmo yar. ld siqiir¹.
saqiir (2) Ilmo yaraan ku dhimasho. ld siqiir².
saqiirid eeg saqiir². ld siqiirid.
saqiirnimo Saqiir ahaansho. ld siqiir-nimo.
saqiirragawrac Colaad xun oo labo qolo dhax marta.
saqiirsuuji Ilmo yar nafaqadii iyo xannaanadii uu ku kori lahaa seejin.
saqiirsuujin eeg saqiirsuuji. ld saqiirsuujis (2).
saqiirsuujis 1. S. ah: Qof dumar ah oo ilmo yar si xun u xannaanaysa. 2. ld siqiirsuujin.
saqlays ld saqlayn.
saqle Nooc ka mid ah orodka geela.
saqlee Saqle ku ordid.
saqleyn eeg saqlee.
sar (1) 1. Aqal weyn oo dhagax iwm laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo'ah.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>

 

Exit mobile version