fakiirnaansho ld faqdiirnaan.
fakin eeg faki. ld fikin.
fako 1. Si xoog leh u ordid. 2. Wax gacmo ka farabaxsasho. 3. Meel ama wax ka baxsasho. 4. Halis ka badbaadid. ld fiko.
fal1 1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid. fal2 (nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”. fal3 1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin. falaad1 1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan. falaad2 Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho. falaadid eeg falaad².
falaadxumaan eeg falaadxun. ld falaadxumaansho, falaadxumo.
falaadxumaansho ld falaadxumaan.
falaadxumo 1. Dhaqan xumo. 2. ld falaadxumaan.
falaadxun Wax dhaqan xun ahaansho.
falaaji Dhoobo, dambas iwm walaaqid.
falaaliso ld fulaaliso.
falaanfal1 Sixir. ld falaanful¹. falaanfal2 Cid sixrid. ld falaanful². falaanfalan Wax falaanfal lagu sameyay ahaansho. ld falaanfulan.
falaanfalax ld falanfalxo.
falaanfalid eeg falaanfal². ld falaanfulid.
falaanfallow ld falanfallow.
falaanfalnaan eeg falaanfalan. ld falaanfalnaansho, falaanfulnaan, falaan-fulnaansho.
falaanfalnaansho ld falaanfalnaan.
falaanfalxo ld falanfalxo.
falaanful1 ld falaanfal¹. falaanful2 ld falaanfal². falaanfulan ld falaanfalan.
falaanfulid ld falaanfalid.
falaanfullow ld falanfallow.
falaanfulnaan ld falaanfalnaan.
page : 14 of 73
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>