ilmaggaleen (c.nafl.) Xubinta nafleyda dheddiga ahi ilama ku siddo inta ay ka dhaleyso; min.
ilmaqabato Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
ilmarin Eegmo si aad ah aan wax loo fiirin.
ilmarooje Dullaal.
ilmarooji U i.: qof u iljebin.
ilmaroojin eeg ilmarooji.
ilmarrogad ld ilmarrogasho.
ilmarrogasho eeg ilmarrogo. ld ilmarrogad.
ilmarrogo Minka gudihiisa isku gediyid (uurjiif).
ilmasid ld ilmasideen.
ilmaside ld ilmasideen.
ilmasideen Ilmaggaleen. ld ilmasid, ilmaside.
ilmayn eeg ilmee.
ilmee 1. Ilmo iska keenid. 2. Beydad faal badin. 3. Caruurr iska dhigid.
ilmilicsi ld Ilbiriqsi; ld milicsi.
ilmiliqsi ld ilbiriqsi.
ilmirigle 1. I. ah: qof miskiinnimo aad ah ka muuqato. 2. ld ilmirigleyn.
ilmiriglee Si miskiinnimo ku jirto wax u fiirin.
ilmirigleyn eeg ilmiriglee. ld ilmirigle (2).
ilmo1 Dhallaan; caruur; ubad. ilmo2 Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin. ilmo-calooleed (c.nafl.) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
ilmooley Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
ilmud (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca oo ilma badan ka keena.
ilnibirsi ld ilbiriqsi.
ilo Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
iloodi Qof basar badan leh.
ilqabad ld ilqabato (1).
ilqabato 1. ld ilqabad. Qurux indhuhu aad u soo jiita. 2. I. ah: wax indhaha lagu arki karo, iyadoon wax qalab ah la adeegsan.
ilqayto (daaw.) Iin indhuhu ay yeeshaan oo ay hal mar isku dhinac eegi karin.
page : 16 of 43
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>