xisaab
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
- 1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.
- (xis.)1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaa-dyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaar-siiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkas-too qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin.
- 1. Wax tirin. 2. Garsoor samayn (Ilaah).

