arkaniida
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- (baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

