bacaad-qaab-bileed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur