birqabad-dhalis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo ..., m.dh)

Macnaha:

  1. (daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur