burabbahalaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.l)

Macnaha:

  1. (daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

burobahalaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.l)

Macnaha:

  1. (daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur