Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
eeg buufi. ld buufis.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2
Isrogrogga: (-iyay, -isay)
Macnaha:
1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur