cadaadis-gibileed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. (fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
  2. (fiis.) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa,0,1.01325,x 10 5 Baaskal (N/m2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

g

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

c

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur