cadaadis-qaybeed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (fiis.) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

q

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur