canaab

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Culays. 2. Daal badan oo la dareemo marka socod dheer la galo.

culays

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xoog walaxda u jiidaya. ld cuslaan.
  2. (fiis.) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).