daaddeg

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Meel taag ah gollaheeda.
  2. (juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
  3. Ka d.: meel taag ah hoos uga dhaadhicid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur