dacmad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhadhan.

Lamidka: Dhadhan

dhadhan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dareenka carrabku gudbiyo marka uu cunto, cabbitaan iwm la kulmo. 2. Macaan. ld dhadhen¹, dhandhan¹, dhandhen¹, dhedhen¹.
  2. 1. Wax dhadhankooda carrabka ku garasho. 2. Cunto, cabbid iwm macaankooda dareemid. ld dhadhen², dhandhan², dhandhen², dhedhen².