daraawiish

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. 1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

darwiish

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-raawish, m.dh)

Macnaha:

  1. Mid ka mid ah ciidankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee u dagaallami jirey xornimada Soomaaliyeed.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur