deebin

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg deebi.

deebi

Qaabnax: Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. 1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.